Sawirro: Diyaargarawgii ugu dambeeyey ee dhismaha Dekedda Garacad oo la bilaabayo…

22 Nov 2018  (Puntlandes)  Waxaa si xawli ah ku socda diyaargarawgii ugu dambeeyey ee lagu bilaabayo dhismaha Dekedda Garacad ee degmada Jariiban, gobolka Mudug.

Maalinta berri ah oo ay bishu ku beegan tahay 23ka Nov 2018ka ayaa waxaa si rasmi ah loo bilaabayaa dhismaha dekedda Garacad, waxaana goobta ay ka bilaabanayso dhismaha dakadda Garacad ayaa la diyaariyey.

Waxaa goobta lagu diyaariyey qalabkii lagu dhisi lahaa Dekedda iyo Injineeradii dhisi lahaa.

Berri subax ayaa waxaa  laga sugaa magaalada Garacad inay yimaa´daan wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaana Garacad ku sugan wafdi ballaaran oo ka kooban Isimada gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan bashiir Islaan Cabdile, aqoonyahano, Cuqaal, Haween, mas’uuliin ka tirsan heerarka kala duwan ee Puntland iyo dadweyne aad u fara badan oo u yimid si ay goobjoog uga noqdaan munaasabadda taariikhiga ah ee berri ka dhacaysa Garacad.

Mashruucaan lagu dhisayo Dekadda ayaa noqonaya kii ugu balllaarna oo Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Afrika ka dhaca oo si isku tashi bulsho ah lagu dhisayo Dekedd.


Puntlandes.com

About The Author