Sawirro: Maanta oo la bilaanayo dhismaha Dekedda Garacad, wafuud ka kala imaanaya Garowe & Muqdisho oo ka qayb galaya munaasabadda
23 Nov 2018 (Puntlandes) Qaban qaabada munaasabadda bilaabashada dhismaha Dekadda Garacad oo maanta ka dhacaysa Garacad ayaa u socota si xawli ah.
Garacad ayaa waxaa ku wajahan wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dawlad Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas horayna waxaa ugu sugna Isimada gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdile iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Dawladda fadaraalka
Munaasabadda ayaa waxaa kale ka soo qayb galaya Xubno ka socda labada gole ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo gaaraya 50 xubnood waxaana hogaaminaya Xildhibaanada gobolka Mudug.
Waxaa kale oo wafdiga labada gole ka mid ah Siyaasiyiin iyo Saraakiil.