Dhagayso: Safiirka Maraykanka Soomaaliya oo sheegay inuu booqan doono dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya
Safiirka cusub ee dalka Maraykanka Donald Yamamoto ayaa sheegay in horaanta bisha soo socota ay u soo guuri doonaan magaalada Muqdisho halkaa oo uu ka howlgali doono.
Yamamoto safiirka cusub ee Maraykanka ugaga wakiilka ah dalka Soomaaliya oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa xusay in uu waayoaragnimo dheer u leeyahay dalka Soomaaliya uuna filayo in uu gacan ka geysan doono sidii loo horumarin lahaa arrimaha caafimaadka,waxbarashada iyo arrimaha kale ee bulshada muhiim ay u tahay.
“Waxaan booqan doonaa dhammaan gobolada iyo maamul goboleedyada sababtoo ah waxaan rabnaa in si firfircoon uga shaqeeyno caafimaadka,waxbarashada iyo weliba abuurista fursado shaqo oo bulshada u baahan tahay.”ayuu yiri.
Safiirka ayaa soo dhoweeyay xiriirka cusub ee saddexda dal ee Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya isagoo xusay in ay tahay mid muhiim ah balse caqabado ay jiraan.
Safiirka cusub ee dalka Maraykanka Donald Yamamoto oo dhowaan warqadihiisa aqoonsi uu ugu wareejiyay Madaxweyne Farmaajo gudaha saldhigga Xalane ayaa noqon doona safiirkii ugu horeeyay ee xarun ka dhigta magaalada Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladii hore ee SIyad Barre.
Dhagayso qaybta 1aad
Dhagayso qaybta 2aad
Puntlandes.com