Khayre oo xalay laaluush siiyay 10 ka mid ah xubnaha guddiga Maaliyada ee Baarlamanka
24 Nov 2018 (Puntlandes) Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lacag u qeybiyay xubno ka tirsan guddiga maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya, si ay uga laabtaan warbixintii sheegaysay inay dawlada Federaalku samaysay musuqmaasuq baahsan horreyna guddiga uga soo baxday.
Khayre ayaa maalmahan aad u walaacsan kadib markii lagu eedeyay inuu musuqmaasuqay lacag dhan $42milion oo dollar. Waa markii ugu horreysay ee xukuumada lagu eedeeyo iney lacago musuqmaasuqday.
Guddigaan ayaa ah mid madaxbanaan, ma’ahan mid ay xukuumadu wax ka qaban karto, wuxuuna Kayre ku qasbanaaday inuu lacag ku kala jabiyo. Baarlamaanka ayaa maanta ka doodaya warbixinta guddiga maaliyada.
Wasiirka maaliyada ayaa lagu amray inuu wadanka deg deg ugu soo laabto isagoo saakay xili hore Muqdisho ka dagay. Khayre waxaa uu xalay qaybiyay lacag lagu sheegay min $10,000 oo dollar oo la siiyay 10 xubnood oo ka mid ah guddiga maaliyada ee Baarlamaanka.
Xubnahaan waxaa lagula heshiiyay iney ka hor yimaadaan warbixintii guddiga, kuna tilmaamaam sharci daro.
Laakiin arrinta waxaa aad u fashiliiyay Wasiir Beyle iyo Hanti Dhowrka guud oo labaduba yiri “howshaan lama rabin in bulshada loo gudbiyo, oo waxey aheyd in ay anaga nagu koobnaato”.
Khayre ayaa fadeexaad dhex jiifa, waxaana laga cabsi qabaa in lacagtaan ku maqan ay tahay midii uu xafiiska kaga tagi lahaa, laakiin hada waxaa uu wadaa qorshihii uu isku badbaadin lahaa.
Puntlandes.com