Akhriso Khayre oo lacag ku kala furfuraya Xubnaha Guddiga Maaliyadda oo oo dhawaan soo saaray Warbixin sheegaysa inay Dawlada federaalku ku kacday Musuqmaasuq
24 Nov 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lacag ku kala furfuraya Xubnaha Guddiga Maaliyadda ee golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan soo saaray Warbixin sheegaysa inay Dawlada federaalku ku kacday Musuqmaasuq.
Xubno ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda oo uu Khayre lacag u qaybiyey ayaa ka soo horjeestay Warbixintii Guddigu faafiyay maalmo ka hor, kaasoo soo bandhigtay eedeymo la xiriira musuqmaasuq, maamul xumo iyo dhaqaale fara badan oo maqan.
Qoraal xubnaha Guddiga oo ka koobnaa 10 xildhibaan u qoreen Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxay cinwaan uga dhigeen tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meel marinta qoondada miisaaniyadda 2018.
Xubnaha Guddigan ee warqadan ku saxiixnaa ayaa sheegay in hab raaca loo maray meel marinta warbixinga guddiga ay aheyd mid baal marsan hab raaca xeer hoosaadka.
Khare oo ka walaacsan dambiga ay warbinta guddigu ku eedaysay ayaa lacag aad u faro badan oo hantidii ummadda ah u adeegsaday ku LAALUUSHIDA xubno ka mid ah guddigaas.
Akhriso qoraalka Khayre ka dambeeyey