Akhriso Hanti dhowrka Guud oo fulinaya amarkii Khayre oo qoraal jawaab ah ka soo saaray warbixintii musuqa ee Guddiga Maaliyadda

23 Nov 2018 (Puntlandes)  Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo fulinaya amarkii uu siiyey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Faéderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray warbixintii Guddiga Maaliyadda golaha Shacabku ay banaanka ku soo dhigeen musuqmaasuqa ay xukuumada Khayre ku kacday.

Qoraalka Hantidhowraha Guud oo cinwaan looga dhigay Iftiimin iyo Talo ayaa loo diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha, waxaana lagu sheegay in walaac uu ka qabo xafiiska Hanti dhowrka qoraalka ka soo baxay Guddiga Maaliyadda, isla markaana uu ahaa qoraal gudaha Baarlamaanka, balse u gudbay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hanti dhowrka Guud ayaa sheegay in dhammaan warqada Guddiga shaaciyay ay ka soo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah ay ka soo dalbadeen xafiisyadii u igmanaa howlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda.

Xafiiska Hanti dhowrka oo ah hay’ad madax banaan ay shaqadeedu tahay dabagalka xukuumadda ma sharci baa inay qoraal ay ku difaacayso xukuumadda ay soo saarto? Muxuuse ka dhigayaa falkaani xafiiskaas uu sharcigu siiyey inuu madax banaanaado? …..meel Khayre leeyahay.

 


Puntlandes.com

About The Author