Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Garoowe Dib ugu Soo Laabtay
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 November 2018 waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland kadib safar shaqo oo uu ku tagay Magaalo xeebeeda Garacad ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiaye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam ku-xigeenkiisa 2aad Xuseen Xaaji Diiriye, qaar kamid ah goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, iyo qaar kamida saraakiisha madaxtooyada Dowladda Puntland.
Booqashada Madaxweynaha ee Garacad ayaa la xadhiidhtay sidii uu u daahfuri lahaa mashaariic hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona uu Madaxweynahu maalintii shalay ahayd ka daah furey dhismaha Dekedda magaalada Garacad
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Gen. Maxamed Abshir Airport ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”
“Waxaan maanta ka nimid magaalada Garacad oo aan kaga soo qayb galnay bilowgii dhismaha Dekedda Garacad waa lasocotaan hada ka hor waxaan u tagnay dhagax dhiggii, shalayna waxaan u tagna ani iyo wafti aan hogaaminayey oo ka koobnaa Shacabka, Golaha wakiilada, Golaha Wasiiradda iyo saraakiil kale, waxaa kaloo kasoo qayb galay daah furka dhismaha Dekadda madax kasocotey Dowladda Federaalka oo ka koobnaa Golaha shacabka iyo aqalka sare, runtii waxaa halkaas ka dhacay bilow guul aad u wanaagsan oo ah bilowgii shaqada dekadda waa wax aad loogu farxo hadey riyo ahayd waa ay rumowday” ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Ugu danbeyntii Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in shacabka Puntland uu u hirgalay wanaagii iyo faa’iidadii uu lahaa isku tashigu, isla’markaana dekadda Garacd ay noqonayso mid ay ka faa’iidaystaan ummada Soomaaliyeed iyo tan geeska afrikaba.
Puntlandes.com