Daawo qaar ka mid doodihii maanta golaha shacabka ee Guddiga Maaliyadda

24 Nov 2018  (Puntlandes) Maanta ayaa maanta waxaa golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ka dhacday fal aad u xoolxun oo ay soo abaabushay xukuumadda RW Khayre, taas oo u caburisay waxrbintii Guddiga Maaliyadda ay soo gudbiyeen.

Kulanka Golaha Shacabka waxaa waxbin ka jeedisay Guddoomiye Kuxigeenka Bangiga Dhexe waxayna tiri “lacagta Dowladda soo gashay, $50 Milyan Wasiirka Maaliyada ayaa nagu Amray in aan $10 milyan ku Wareejino Dowladda bishii Oktoobar, Wasiirka ayaa haddana na amray bishii Nofeembar inaan bixino $6 Milyan, waana dhiibnay, $4 Milyan ayuu haddana naga qaaday, $10 Milyan ayaan haddana u dhiibnay Wasiirka Maaliyadda, waana $30 Milyan. Wasiirka Maaliyada ayaa nagu war galiyay in aanan lataaban karin lacagta $20-ka Milyan ee hartay, laakiin intuu soo laabtay ayuu naga qaaday $5 Milyan, waxa uuna yiri ma habooneyn ee waa loo baahday. Hadda waxaan haynaa $15 Milyan iyo lacag kale oo mashaariic loogu talagalay”.

Daawo muuqaalka Gudoomiye kuxigeenka Bankiga Dhexe oo faahfaahinaysa Lacagtii Sacuudiga ka timid.

Daawo Xil C/Xakiin Macalin ”Tobanka Xildhibaan ee warqaddii hore kahor yimid qaarkood dalka majoogaan, halka kuwa kalena ay joogeen kulankii maaliyadda”.


Gud guddiga Maaliyada ee golaha Shacabka oo caddeeyey in xukuumadda Federaaalku musuqmaasuq gashay

Daawo Xil C/laahi Maxamad “waxaa la hayaa saxiixyada & sawirada xubnaha gudiga ee ka been abuurtay warbixin”

Daawo Gudoomiye Cawad oo caburiyey Xildhibaanada golaha inay ka doodaan warbixinta

DAAWO WASIIR BEYLE OO QIRAY IN WAXBIXINTA MUSUQMAASUQA EE GUDDIGA MAALIYADA AY DHAAWACDAY DAWLADA FARMAAJO

Puntlandes.com

About The Author