Sawirro: Duqa Garowe oo dhagax dhigay Buundo cusub oo ay yeelanayso Caasimadu

25 Nov 2018  (Puntlandes) Duqa Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa dhagax dhigay Buundo cusub oo laga dhisayo Caasimada.

Buundo cusub oo ay isticmaali doonaan shacabka Garowe ayaa isku xiri doonta Dugsiga sare Gambool, Xarunta Agoonta, Madaxtooyada, Kuliyada Macalimiinta, Jaamacadda PSU iyo Cisbitaalka guud ee Magaalada Garoowe.

Buundadan ayaa noqonaysa mid lagu dhiso si isku tashi ah iyadoo ay  dadweynahu ka qayb qaadanayaan dhismaheeda .Dhaqaalaha ku baxay ayaa dhan $ 70,000 dollar waxaana lagu dhisayaa mudo dhan 45 cisho gudahood ah.

Gudiga gacanta ku haya dhismahaan oo ah haween ayaa dadweynaha reer Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed ka codsaday in laga qayb galo dhismaha buundadan .

wixii aad awoodid ku dir kontadaaan: 490557

Puntlandes.com

About The Author