Akhriso Safaarada Mareykanka oo iska fogeysay War been abuur ah oo ay VOA Somali sheegtay
25 Nov 2018 (Puntlandes) Dawlada Mareykanka ayaa beenisay war ay sheegay VOA Somali oo ahaa in Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Caasimada Somaaliya ee Muqdish bisha soo socota December, warkaas oo ay Idaacada VOA somaali ku sheegaty waraysi ay la yeelatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka.
War qoraal ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in aanu jirin warkaasi isla markaana aanu ku jirin wareysigii uu bixiyey Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Mr. Yamamto,
Qoraalka
Qoraalka ka soo baxay Safaarada Mareykanka
Qoraalka Twitterka la soo dhigay oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu xusay, in Dawlada Mareykanka ay ka go’an tahay xoojint cilaaqadka ka dhexeeya labda dal, kaas oo kor loogu qaadayo degaanshaha iyo nabdgalyada Somaliya.
Qoraalka ayaa intaa ku daray in safarada Dibulomaasiinta Mareykanku ku gaala bixinayaan Somaaliya ay qayb ka tahay dadaalada Mareykanku ku doonayo inuu joogitaan ku yeesho Somaalia.