Akhriso waa tan caddaynta lagu helay inuu maamulka Gobolka Banadir sameeyey musuqmaasuq & maamulxumo (Hanti dhowrka Qaranka)

25 Nov 2018 (Puntlandes)  Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay warbixin dheer oo ka qoray Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku caddaatay inuu ku kacay musuqmaasuq iyo maamul xumo, taas oo ka mid ahayd warbixintii Guddiga Maaliyadda golaha Shacabku ay banaanka ku soo dhigeen musuqmaasuqa ay xukuumada Khayre ku kacday.

Warxinta ayaa tilmaamaysa inaysan dawladda Hoose lahayn hanaan dawladeed oo nidaamsan, laan fulin gole ama guddi maamul oo kormeera, haga, lana xisaabtama.

Waxay kaloo warbixinta Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya sheegtay in maamulka maaraynta maaliyadeed ee Dawladda Hoose ay aad u liidato dhinacyada dakhli qabashada, miisaaniyadda, Qarash bixinyta, iibka iyo qandaraasyada loomana maro shuruucda u degen dalka.

Sidoo kale waxay warbixintu caddaysay inuusan jirin habraac lagu shaqaalaysiiyo laguna maamulo shaqaalaha Dawladda Hoose, waxayna dhalisay in shaqaalaha qayb ka mid ah xuquuqdooda looga jaro si aan sharciga waafaqsanayn 30% bil walba.

Warbixintu waxay farta ku fiiqday inay dayacan tahay hantida guurtada iyo mida maguurtada ah, mana lahan qaab lagu maamulo.

Tolo soo jeedin

Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya wuxuu warbixintiisa Tolo ugu soo jeediyey sidatan “In si kumeel gaar ah loo sameeyo Guddi ,maamul (Control Board) oo haga hannaanka Dawlad wadaaga, kalana shaqeeya sixida khaladaadka baaxadda leh, buuxiyana kormeerka iyo isla xisaabtanka ka maqan Dawladda Hoose si looga fogaado musuqmaasuqa, maamul xumo, linsi iyo ku tagrifal hantida ummadda, korna loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo Dawlad wanaagga”

19kii bishan ayaa Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ay soo saareen warbixin dheer oo ay ku caddeeyeen inay dawladda faderaalka Soomaalya iyo Gobolka Banaadir ay ku keceen Musuqmaasuq dhunsasho hanti dadweyne., halkan ka akhriso.

Kadib waxaa awood iyo LAALUUSH bixin ku kala furfuray Guddigii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kahyre, isagoo ugu dambayn ku guulaystay in ka doodideedii laga hor istaago Golaha Shacabka, halkan ka daalaco.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre oo shacabka iyo beesha caalamka ku qaldi jiray inay la dagaalamayaan musuqmaasuqa ayaa hadda waxay u xuubsiibteen musuqmaasuq difaacayaal.

Hoos ka akhriso warbixinta Hanti dhowrka Guud ee Soomaaliya iyo warbixintii baarayaasha


Puntlandes.com

About The Author