Qatar & Talyaaniga oo Farmaajo ku cadaadinaayo inuu ka tanaasulo Muranka Badda ee U Dhaxeya Somalia & Kenya (safarkii Talyaaniga)

25 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku tagay magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga, isagoo halkaa kulamo kula qaatay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo amiirka Qatar oo isna booqasho lasii qorsheeyay ku jooga Roma.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoogiisa sidii ay Soomaaliya uga tanaasuli laheyd muran badeedka kala dhaxeeya Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dhulka ay Soomaaliya kula muransan tahay waxaa ay ku wareejisay shirkada ENI oo ah shirkad ay wada lee yihiin labada wadan ee Talyaaniga iyo Qatar, waliba shirkadan waxaa 51% iskaleh Talyaaniga halka 49 ay Qatar leedahay.

Shirkadda ENI xarunteedu waxaa ay ku taala magaalada Rome ee wadanka Talyaaniga waxaana madax u ah Claudio Descalzi oo xilkaas hayay ilaa 2014, waxaana hantida shirkadaan lagu qiyaasaa 70.98 billion oo euro.

Shirkadaan gaaska ayey Kenya siisay 51% faa’iidada gaaska laga helo dhulka iyo biyaha ay ku muransayihiin Soomaaliya iyo Kenya, waxaase jirta caqabad badan oo shaqadaan ku hareereysan taas oo ah in Soomaaliya ay dacwo u gudbisay maxkamada Caalamiga ah ee cadaalada.

Farmaajo ayaa loo soo jeediyay in lagu garab siin doono arrimo badan oo uu doonaayo balse ay muhiim tahay inuu arrinta badda ka tanaasulo si shirkadda ENI ay u fuliso heshiiska ay kula jirto Dowlada Kenya. Arrintaan ayaa aheyd ujeedada ugu weyn ee safarka madaxweyne Farmaajo ee Talyaaniga.

Lama yaqaano nooca jawabta uu Farmaajo bixiyay laakiin waxaa muuqata iney halis weyn ay kusoo wajahan tahay Soomaaliya.

Kulamada looga hadlaayay arrimaha badda iyo heshiiska shirkadda shidaalka ee ENI ayaa la sheegay in aaney qeyb ka aheyn xubnaha wefdiga Farmaajo, balse uu qaas u ahaa madaxweynaha taas oo tuhunka badisay.

Farmaajo ayaa booqan doona dalka Kenya isagoo wada hadal la geli doona madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenya.

Puntlandes.com

About The Author