Musuqmaasuqa & Maamul Xumada ka Jirta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Xadka Dhaaftay

Musuqmaasuqa iyo Maamul Xumada ka Jirta Wasaaradda Maaliyadda oo Xadka Dhaaftay

KU: Madaxweynaha DFS
KU: Ra’isal Waraarada DFS
KU: Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka
KU: Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka
KU: Shacabka Soomaaliyeed,

Salan sharaf leh ka dib, Mudane Madaxweyne;

Waxaanu qoraalkan gaaban ku soo bandhigaynaa in aan kula wadaagno musuqmaasuqa iyo maamul xumada xadka dhaaftay ee ka taagan Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federalka Somalia ee uu wasiirka ka yahay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Waxaanu qoraalkan kooban ku soo bandhigaynaa cadaymo muujinaya musuqmaasuqa iyo ku takrifalka hantida ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan qaabka loogu takrifalay dhaqaalaha yar ee ay dowladda Soomalliya ka hesho canshuurta laga qaado dadka Soomaliyeed iyo deeqaha.

Sida qoraalka ka muuqata waxaa jira xisaabo/bank accounts ku furan magaca Wasaaradda Maaliyadda oo ka furan Bankiga Dhexe ee Soomaliya oo uu si gaar ah u maamulo Wasiir Beyle, islamarkaana dhaqaalaha ku soo dhaca aanu soo marin miisaaniyadda guud ee dowladda, iyo khasnadda guud ee dowladda federalka (Single Treasury Account, STA). Sida aad ku arki doontaan lifaaqyada hoose, lacagtaas waxaa bankiga dhexe looga saaras si aan sharciga maaliyadda waafaqsanayn, gaara haan waxaa looga saara magacyada shakhsiyaad uu wasiir Beyle u soo
dirsado. Tusaale ahaan, cadadka lacagta laga saaray mid ka mid ah xisaabaha uu Wasiirka Maaliyaddu sida tooska ah u maamulo ayaa kor u dhaaftay $1 million dollar muddo dhan lix bilood Waxa kale oo aan qoraalkan kooban ku soo bandhigi doonaa lacago badan oo si aan waafaqasanayn sharciga maaliyadda uga baxa xisaabaha wasaaradda maaliyadda ee ka furan bankiga dhexe. Waxaa jira shaqaale gaaraya ilaa 167 qof oo magacyadooda lagu qaado lacago badan oo mushaar ah, $54,200.00/bishii. Shaqaalahaas kuma jiraan shaqaalaha rasmiga ah ee wasaaradda ee ka diiwaan gashan xafiiska shaqaalaha rayidka ah/ wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa kale oo jira lacago badan oo lagu qaado magaca mushaarka ciidanka ilaalada wasaaradda oo gaaraya ilaa 170 askari.

Waxaa kale oo aan idin la wadaagaynaa mushaarooyinka ay qaataan shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska wasiirka maaliyadda oo qaarkood qaataan ilaa saddex mushaar bil kasta,oo qaarkood uu mushaarkooda gaarayo ilaa $17,000.00/month iyo qarashyo badan oo laga bixiyo sida hotelka iyo raashinka. Sida ku cad caddeymaha hoose waxaa jira qarashyo badan oo xadka dhaafay oo ku baxa wasiirka maaliyadda, sida gaari uu ku iibsaday $128,000.00, sahay safar oo gaaraysa $109,141.00/4 bilood, tikidho diyaarad (first class), $35,000.00 iyo qarashyo badan oo aan la garanayn halka ay ku baxeen.

Sidoo kale waxaan halkaan idin la wadaagi doonaa maamul xumada iyo kala dambayn la’aanta ka taagan wasaaradda kuwaas oo curyaamiyey habsimi u socodkii shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federalka Soomaliya. Waxaa jira heshiisyo badan oo uu saxiixay oo aan dowladdu la socon, iyo kuwo badan oo aanu ka fiirsan markii uu saxiixyey.

Xisaabaha ka furan Bankiga Dhexe ee Wasaraadda Maaliyadda ee uu Wasiirka Isticmaalo

1. Account No xxx, ka furan Bankiga Dhexe, oo ay ku dhacdo lacagaha canshuurta ka soo xarootaee Shilling Somaliga ah. Lacagtaas laguma shubo khasnadda dhexe ee dowladda, waxay ku dhacdaa xisaab ka furan bankiga dhexe oo uu si toos ah u maamulo Wasiir Beyle; Lacagta waxaa markasta xisaabta ka saara dad wakiil ka ah Wasiir Beyel. Sanadkasta waxaa laga saaraa lacag dhan ugu yaraan labo million ilaa saddex million dollar oo aan soo marin misaaniyadda dowladda ama aan lagu shubin khasnadda dhexe ee dowladda. Gaar ahaan waxaa xisaabtaan laga saaray ilaa lacag ka badan hal million dollar, $1 million, Jan-June, 2018.(lifaaqa hoose)

2. Account NO xxx, ka furan Bankiga Dhexe, waxaa ku soo dhaca lacago ay wasaaradda maaliyadda ka qaato shirkadaha xawaaldaha iyo bankiyada. Lacagtaas laguma shubo khasnadda dhexe ee dowladda, waxay ku dhacdaa xisaab ka furan bankiga dhexe oo uu si toos ah u maamulo Wasiir Beyle. Bankiyada iyo Shirkadaha Xawaaldaha ayaa loo sheegay in ay lacagtaasi ay tahay lacago tabarucaad ah (donation) oo loo deeqayo wasaaradda maaliyadda

3. Account No; xx, ka furan Bankiga Dhexe, waxaa lagu shubaa lacagta USD oo wasaaradda maaliyadda oo uu Beyleh si toos ah u maamulo. Lacagtaas waxay ku baxdaa nadaam aan waafaqsananayn hab xisaabeedka dowladda. Lacagta xisaabtan ku dhacda ayaa loo isticmaalaa siyaabo kala duwan oo aan nadaamka xisaabta dowladda waafaqsanayn;

Lacago lagu qaado magacyada shaqaale aan jirin (Ghost Employees)

Waxa jira lacago badan oo ka baxa xisaabaha aan kor ku soo sheegnay oo lagu qaado magacyada shaqaale aan ka tirsanayn wasaaradda maaliyadda islamarkaana aan ka diiwaan gashanayn wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ama xafiiska shaqaalaha rayidka ah:

1. 167 (boqol lixdan iyo todobo qof oo aan jirin (Ghost employees) oo mushaar iyo gunnooyin ka qaata Wasaaradda Maaliyadda. Shaqaalahaas lama oga cidda iyo waxa ay ka shaqeeyaan, kuman jiraan liiska shaqaalaha rayidka ee ka diiwaan gashan dowladda federalka Somaliya. Shaqaalahaa waxaa bil walba magacooda lagu qaadaa lacag dhan $54,200 bil kasta; ama $650, 400.00 (Lix Boqol Konton Kun iyo Afar Boqol Dollar)

2. 171 (Boqol todobatan iyo kow askari) oo loogu yeero ilaalada wasaaradda maaliyadda iayaga waxaa magacyadooda lagu qaadaa lacago loogu yeeray mushaaro oo gaaraysa ilaa USD45, 000.00 bil kasta;. Tirada ciidamada la sheegay in ay ilaaliyaan wasaaraada waxay ka badan yihiin hal uru oo ciidamo ah, laakiin waxaa xaqiiq ah in tiradaas aanay joogin oo aanay u soo
shaqo tegin wasaaradda.

Shaqaalaha ka shaqeeya xaifiska Wasiir Beyle oo midkasta uu qaato saddex mushaar
bishii. Dhammaan shaqaalahan waa qaraabada Wasiir Beyle.

A. Liibaan Aadan Obsiye: Fiiri cadaymaha ku lifaaqan
1. $5,579.10, waxuu bisha June u qaatay mushaar iyo gunno, oo ku qaatay wasaaradda arrimaha dibadda. Darajadiisa waa la taliyaha 1aad ee Safaaradda Sweden,(lifaaqa hoose).
2. $4,000.00 , Bisha June waa gunno laga siiyey wasaaradda maaliyadda- xafiiska wasiir Beyle, Darajadiisa waa la taliye wasiir Beyle

3. $7,500.00, Bisha June waa mushaar laga siiyey mashruuca African Development Bank, darajada uu mushaarka ku qaatay waa madaxa mashaariicda Wasaaradda Maaliyadda
Isugeyn lacagta u bil kasta mushaar uu qaato $17,079.10 (Todobo iyo Toban kun, Todobaatan iyo Sagaal Dollar) bil kasta; $204,948.00/sanadkii

B. Nuur Cali Cumar- Dubad: Fiiri cadaymaha ku lifaaqan
1. $4,000.00 Waa Gunno uu ka qaatay xafiiska wasiirka Beyle; la taliye wasiir Beyle.
2. $5,000.00 Waxuu mushaar ka qaatay mashruuca RCRF. La taliye
3. Xxxx Waa mushaar uu ka qaato xafiiska Raiisal Wasaaraha.
Isugen $9,000.00 +(Sagaal kun iyo dheeri) bishii; $108,000.00/year

C. Cabdullahi Xuseen Nuur; Fiiri cadaymaha ku lifaaqan
1. $735.00 waxuu ka qaataa wasaaradda arrimaha dibadda, shaqaale arkifiyada
2. $3,000.00 waxuu ka qaataa mashruuca SCORE, Bankig Adduunka, darajada, xoghaye
3. $4,000.00 waxuu ka qaataa xafiiska wasiirka, waxuu ku qaataa la taliye
Isugeyn: $7,735.00 (Todobo kun todobo boqol, soddon iyo shan dollar/bishii; $92,820.00/year.

Musumaasuqa iyo isdabamarinta dhaqaalaha ee xadka dhaafay ee ka jira Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa sii dheer maamul xumo baahsan oo curyaamisay habsami u socodkii hawlaha wasaaradda; Tan iyo intii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa si joogto ah u hareereeyey buuq, dagaal, iyo isqabqabsi joogto ah oo ka dhexeeya wasiir Beyle iyo madaxda sare ee wasaaradda, sida wasiirk ku xigeenka, wasiirul dowlaha iyo agaasimaayaasha qaybaha. Waxaa lumay xushmadii, kala dambayntii iyo wadashaqyntii ka dhexaysay wasiirka iyo dhammaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda. Waxaa burburay wada shaqaynta wasaaradda maaliyada iyo hay’adaha kale ee dowladda, waxaa hoos u dhacay wadashaqynta hay’ada caalamiga ah sida The World Bank, The IMF, EU, African Development Bank, DFID, iyo wadamada deeqaha bixiya. Waxuu saxiixay heshiisyo aanu ka fiirsan, iyo kuwo aanay la socon madaxda sare ee dalka. Waxaa curyaamay oo shaqayn la’ mashaariicda horumarinta ee wasaaradda hoos timaaada sida PFM, SFF, RCRF, SCORE Program, Dryland Development Project iyo CIM.

Sida sawirka hoose ka muuqata, Wasiir Beyle oo isagoo taagan laga saxiixay heshiis lacag dhan $60 million USD kolkii uu dhowaanto ka qaybgalay shirkii Brusells. Sida sawirka ka muuqata, wasiirka waxuu joogaa baarka cafega laga cabo ee ka furan qolka shirarka lagu qabanayey ee magaalada Brusells, June 17, 2018. Waxaanu isagoo taagan uu miiska cafega dushiisa ku saxiixay heshiis uu la galay bankiga addunka oo dhan $60 million dollar. Heshiiskan uu wasiirka saxiixayo kama warqabaan guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiiradda Iyo hay’ adaha kale ee dowladda. Waxaa kale oo sawirka muujinaya in aanu wasiirku akhrin islamarkaana aanu ogeyn documtiga uu saxiixayo. Waxaa wasiir Beyle la taagan Agaasimaha Bankiga Adduunka u jooga Somalia marwo Bella Bird, oo documetiga uu saxiixayo ugu geysay qolka uu shirka ka socday. (fiiri sawirka hoose);

 

About The Author