Sawirro: Qaraxyo & weerar oo saaka lagu qaaday Koofurta Gaalkacyo

26 Nov 2018  (Puntlandes) Labo qarax oo xooggan iyo weerar toos ah ayaa saaka lagu qaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo la weeraray xarun uu degenaa wadaad caan ka ahaa magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin lagu weeraray xarun uu Koofurta Gaalkacyo ka degenaa nin lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare, waxaana xarunta ninkaas gudaha u galay dabley hubeysan.

In ka badan 10 ruux oo uu ku jiro Cabdiweli ayaa ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday xarunta wadaadka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la toogtay xertii ninkaas ee xarunta deganeyd iyo rag ilaalo uu lahaa wadaadka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Galmudug ay toogteen qaar ka mid dableydii gudaha u gashay xarunta wadaadka, waxaana weli la soo sheegaya in rasaas laga maqlayo xarunta.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka saaka lagu qaaday xarunta wadaadka, kuwaasoo sheegay inay dileen Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo tilmaamay inuu sheegtay Nabinimo.

C/weli Cali Cilmi Yare ayaa buuq badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaddib markii uu ka soo muuqday muuqaal uu dhalinyarada ku barayo Diinta iyo qoob ka ciyaar, waxaa sanad ka hor Maxkamad ku taal gaalkacyo ku soo eegtay dambi ah inuu Nabinimo sheegtay, inkastoo markii dambe la sii daayay.


Puntlandes.com

About The Author