Shir nabadaynta Galakcyo la xiriira oo Jabuuti ka furmay

26 Nov 2018  (Puntlandes) Waxaa ku sugan dalka Jabuuti magaalada Jabuuti wefdi ballaaran oo ka socda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Waxay halkaas u tageen shir la xiriira nabada gobolka mudug oo ay qabanayso
IGD ayna fulinayso ha’yada SSF.

Wafdiga labada maamul ayaa waxaa ka mid ah gudigii nabada qaybo kamida
iyo qaybaha kale ee bulshada ee labada dhinac.

Shirka ayaa waxaa mudada uu socdo looga hadli doonaa waxa ka hirgalay nabadii 10 bilood kahor lagu gaaray magaalada Gaalkacyo laguna saxiixay hoyga uu ka daganyahay magaalada Islaan Bashiir Islaan Cabdile.

Puntlandes.com

About The Author