Xil. Saleebaan Xil Saleeebaan oo sheegay inaysan xukuumadda Khayre doonayn in golaha Shacabku la xisaabtamo

26 Nov 2018  (Puntlandes) Xildhibaan Saleeebaan Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inaysan xukuumadda Raiäiisul wasaare xasan Cali Khayre doonayn in golaha Shacabku la xisaabtamo, taas oo ah shaqada golaha.

Xildhibaan Saleeebaan ayaa ka hadlay warbixintii guddiga maaliyadda golaha Shacabka ee Baarlamanka JFS oo musuqmaasuq ku eedeysay xukuumadda Khayre, iyo sidii ay u maaraysay xukuumadu sida heshiis ay la gashay gudoonka, kala jabin Guddiga Maaliyadda ee warbinta Golaha keenay iyo in laga horjoogsaday in xildhibaanadu ka doodaan.

 

Hoos ka aqriso qoraal uu Xildhibaan Saleeebaan soo dhigay facebook.

Sulaiman Hashi:

RUNTII BEENOWDAY!
=================
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 24/11/2018, waxaa qabsoomay mid kamid ah kulamadii Baarlamaanka F. Soomaaliya. Mowduuca la rabay in laga doodo ayaa ahaa warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

Guddigaasi wuxuu u xilsaaran yahay kor-joogtaynta iyo lasocodka dhaqdhaqaaqa maaliyadda ee ay maamulaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe. Waxay ilaaliyaan oo hubiyaan in loo isticmaalay lacagta Qaranka meelihii loo qoondeeyay iyo inay jiraan wax la musuq-maasuqay. Waxay kaloo Guddigu soo hubiyaan miisaaniyad sanadeedka Dowladda marka ay Wasaaraddu soo gudbiso.

Hadaba iyagoo gudanaya waajibkodii dastuuriga ahaa ayay dib u eegis kusoo sameeyeen sida soo loo isticmaalay maaliyaddii loo qoondeeyay 2018ka. Waxaa soo baxay fadeexooyin dabada lagalay maamulka ugu sarreeya ee Wasaaradda iyo iyo xafiisyada kore ee dalka looga taliyo.

HADDABA MUXUU NOQDAY FALCELISKii XUKUUMADDU??

Kaddib markii xukuumaddu aragtay inaan la difaaci karin warbixinta xaqiiqada ku dhisan, waxay xukuumaddu qaadday tillaabooyinkan:

1- In Guddomiyihii 2aad oo subaxaas shir guddoonka Baarlamaanka ku qornaa lala heshiiyo si uu u jajuubo ra’yiga Baarlamaanka
2- Waxaa lakala jabiyay Guddigii Maaliyadda oo ahaa Guddiga ugu shaqada badan Baarlamaanka
3- Waxay soo diyaariyeen jawaabo aan sax ahyn oo ay ku beeninayaan warbixintii runta ahayd
4- Waxaa la diiday in Xildhibaanadu inay ra’yigooda ka dhiibtaan mowduuca
5- Waxaa la isticmaalay mediaha si ra,yiga dadwaynaha loo khaldo
6- Waxaa lagu been abuurtay qayb Guddiga kamida iyadoo lagu eedeyay inay warbixinta dano khaasa iyo siyaasad ka lahaayeen.

Qof kasta oo wax garanayaa wuxuu fahmi karaa inaan xisaab la siyaasasadayn karin. Sida la ogyahay xisaabtu waxay ku fadhidaa isku darid (+) kala jarid (–) iyo wadarta ) soo baaxda. Waxaa intaa dheer Guddigu ma aha midka xisaabta dejiya ee wuxuu qaabilsan yahay wixii Wasaaraddu sheegtay inuu hubiyo.

Tusaale: Warbixinta waxaa lagu sheegay lacag dhan 20milyan oo kamid ahayd lacag 50milyam ah oo Sucuudigu ku deeqay inaysan ka muuqan dhaqdhaqaaqa lacagtaas oo la caddeeyay 30milyan meesha ay ku baxday. Waxaa warkeedii lawaayay 20tankaas meel uu ku baxay iyo meel uu yaal toonna. Dooddii Bangiga dhexe bay ku jirtay inuu yiri annagaa hayna 20kii malyan. Taasna waxaa beeninaya 2017kii waxaa biilkii loo waayay 7Safaaradood oo layiri lacag la,aan baa jirta. Haddaba haddii ay 20milyan taallay maxaa Safaaradaha loo siin waayay? Maxaase khasnadihii iyo dhaqdhaqaaqii lacagta looga waayay? Xaggeese shalay lagaso helay?.

Wuxuu Wasiirku qiray inay sax ahyd lacag Guddigu sheegay in meel gaar ah lagu shubtay laakiin qof shaqaalaha kamida uu si khalada ugu shubay. Halka Guddigu caddeyeen lacagtaas inuu wasiirku amray.

Waxay wasaaraddu ku dooday haddii la yiraahdo lacag baa la waayay IMF iyo World Bank ayaa nala yaabaya oo waa la ceeboobayaa wayna naga aamin baxayaan. Waxay ila tahay waxaa wax lagugu aamini karaa markii la arko in uu jiro isla xisaabtan.

Intaasoo dhammi waxay caddaynaysaa inaan xukuumaddu doonayn in lala xisaabtamo. Waxay caddaynaysaa inusan jirin musuqmaasuq dowladdu ladirayrayso, iyadoo wax badan baraha bulshada ka sheegtay inay tahay dowladdii isla xisaabtanka. Mise waa sidii Reer Banii Israa’iilkii markii qof daciif ah uu danbi galana xadka ku oogi jiray markii mid xoog leh danbi galana iska dayn jiray.

Ummadda Soomaliyeed koox yari kama caqli badin karto wixii sax ah iyo wixii khalad ahna waa lakala fahmi karaa. Lacagtii Qaranku waxay u dhammaatay in dad lagu laaluusho iyo in baraha bulshada la isku xayaysiiyo.

Waxaa Xukuumadda horyaal sidii ay u maarayn lahayd xisaab xirkii 2017 oo ilaa iyo hadda aan la hayn iyo 2018 oo isna dhammaada.

Halkana ka daawo muuqaal Xildhinaabku kaga hadlay warbixintii guddiga Maaliyadda

Puntlandes.com

About The Author