Xildhibaan Saabir Shuriye oo welwel iyo Walaac ka muujiyey Xadgudubka iyo Caburinta Saxaafada Madaxa Banaan
26 Nov 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka ayaa Welwel iyo walaac ka muujiyey Xadgudubka iyo Caburinta lagu hayo Xoriyatul qowlka iyo sidoo kale in la beegsado Saxafiyiinta afkaartooda ku soo bandhiga baraha Bulshada.
Qoraalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegnmaya iyadoo Wariye Nuur Ismaciil Sheekh uu muddo ka badan Todobaad u xiran yahay Dawladda FS isagoo aan wax Maxkamad ah la keenin.
Xildhibaan Cabdisabir ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arintaasi kaga hadlayo hoos ka aqriso:
Anigoo ah mudane ka tirsan Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka ee BFS waxaan welwel iyo walaac ka muujinayaa xadgudubka iyo caburinta xoriyatul qowlka xukuumaddu ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyaasha afkaartooda ku qora baraha bulshada sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qoddobkiisa 18 aad faqradiisa (1), (2), (3) oo u qoran sidan.
• Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho so bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar.
• Xoriyatul qowlku waxaa ka mid ah, xorriyada hadalka saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektarooniga ah.
Mar hadii sharciga dalka sidaas qorayo waxaan cod dheer ku leeyahay in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa wariye Nuur Ismacil Sheekh kaas oo loo xiray fikirkiisa uu ku qoray baraha bulshada ilaa hadana aan la keenin maxkamad.
Xukuumaddana waxaa laga doonayaa in ay sharciga u hogaansato isla markaasna ilaaliso xuquuqda aadanaha kana fogaato ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka.