Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta xanaaqsan waali ayay ku dhow yihiin, xanaaqii baa ka batay”

27 Nov 2018  (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa, isagoo ku tilmaamay inay waali ku dhow yihiin.

Farmaajo ayaa isagoo xalay kula hadlayay taageerayaashiisa magaalada Nairobi ee  dalka Kenya waxa uu sheegay inuu dhamaaday waqtigii siyaasiyiinta xanaagsan.

Farmaajo ayaa yiri “Siyaasiyiinta xanaaqsan maalmo hore waxay wadeen inay yiraahdaan dowladda waa ku fashilantay Amniga, dalka waa la qabsaday, hadda taas waa shaqeyn weyday, hadda waxay yiraahdeen nidaamka Maaliyadda waa fashilmay, dad badan oo shiheeye ah oo awal na gacan bidxeyn jiray ayaa noo qiray, waxay arkeen dhaq dhaqaaqa xisaabta in anaga amaanadii umadda noo dhiibatay aan u ilaalino,  IMF, World Banka iyo Midowga Yurub, waxay leeyihiin dowladda waa nadiif ah, waa inaan dhaqaale ku bixino, ayagana waxay leeyihiin maya, waa in aan dhaqaale la siin”

Farmaajo ayaa intaa ku daray “Dadka shakiga gelinaya, dadka shacabka kalsoonida ka qaadaya yey u daneynayaan, xanaaqii baa ka batay, qofka hadduu xanaaqa ka bato wuxuu ku dhow yahay xoogaa waalida, shacabka Soomaaliyeed inay taas ogaadaan baa loo baahan yahay”.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa dhowaan soo bandhigay warbixin ku aadan miisaaniyadda sanadkan oo ay sheegeen in musuq maasuq lagu sameeyay, isla markaana wax is daba marin badan ay dhacday, iyagoo shaaca ka qaaday inay maqan tahay 42 Milyan oo dollar iyo qeyb ka mid ah 50-kii Milyan ee Sacuudiga soo dhiibay.

Puntlandes.com

About The Author