Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland oo caddeeyay in madaxweyne kuxigeenku awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka & ansixinta Baarlamanka

Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub.

Qaraal ka soo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in madaxweyne ku xigeenku uusan awood u lahayn magacaabista guddigaasi, haddii uusan u wakiilan madaxweynuhu,ama uusan dalka ka maqneyn.

Puntlandes.com

About The Author