Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay Farmaajo oo qodobo xasaasi ah ka hadlay, awoodaha madaxweynaha inta mooshinku ka yaalo!!
11 Dec 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan sharciga waafaqsanayn qoraalkii kasoo baxay Xoghayaha Golaha, waxayna ugu horay yiraahdeen sidatan:
Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro:
1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey
2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod.
3.Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha.
Mooshinku waa sharci, waa waajib, madaxwaynaha haraaco sharciga, fowdo ma aha dowladnimo.
Dhanka kale Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay Farmaajo ayaa ka hadlay awoodaha madaxweynaha inta mooshinku ka yaalo.
Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay qodobada soo socda:
1. Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:
a) In wax heshiis ah uusan geli karin.
b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.
c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.
e) In uusan dikreeto saxiixi karin ama soo saari karin
f) In uusan shaqo maalmeedka madaxweynaha qaban karin