DEG DEG: Ciidamada Itoobiya oo xiray Mukhtar Roobow kadin amar ka yimid dawlada federaalka

13 Dec 2018 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay goordhow gurigiisa kala baxeen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Roobow oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in la jirdilay ka hor inta aan la wadan.

Goobjooge ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in gaariga la saaray markii la garaacay kadib.

Farmaajo, Khayre iyo Fahad Yasin ayaa ku heshiiyey in Roobow lasoo qabtay dhabe kastana loo maro arrintaas.

Ninkaan ayaa noqday musharaxa ugu cad cad doorashada Koonfur Galbeed waana sababta ay u diidan tahay Dowlada Faderaalku, iyadoo dooneysa in Cabdicasiis Lafta Gareen uu noqdo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Xariga maanta loo soo geystay Mukhtaar Roobow ayaa fasiraya nooca heshiis ee Farmaajo lasoo galay Itoobiya.

Puntlandes.com

About The Author