Akhriso Xildhibaanda golaha shacabka oo soo saaray warqad dacwo ka dhan ah madaxa AMISOM

13 Dec 2018 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka oo la baxay Xildhibaanada badbaado qaran aya soo saaray warqad ay ku cambaareynayaan falkii lagu soo xiray Mukhtar Roobow.

Xildhibaanada aya sidoo kale ka digay in ciidamada AMISOM loo adeegsado siyaasad oo ay qeyb ka noqdaan kalitalisnimada uu wado MW Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay warqad ashtako ah u gudbin doonaan ururka midowga Afrika taasoo ka dhan ah Fransesco Madeira oo ah wakiila ururka Midowga Afrika iyo madaxa AMISOM.

Waxaa sidoo kale ay digeen faragelinta qaawan ee dowladda Eriteria iyo Itoobiya cod dheerna ku sheegeen in kalitalisnimada Afawerki oo kale aysan Soomaaliya ka shaqeyn doonin.

Xildhibaanada aya sidoo kale codsaday Guddoomiyaha BJFS in uu si dhaqsa ah u furo kalfadhiga si loo bilaabo doodda mooshinka MW. Farmaajo.

Akhriso qoraalka ay xildhibaanadu soo saareen

Puntlandes.com

About The Author