Dhageyso: Mursal oo ka hadlay mooshinka Farmaajo & xariga Roobow XASAASI
13 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamanka JFS Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa ka hadlay mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao iyo xarigii maanta ee Musharax Mukhtaar Roobow.
Gudoomiye Mursal oo mooshinka laga keenay madaxweynaha ka hadlaya ayaa sheegay in xildhibaanada keenay mooshinka ay yihiin kuwa xal raadinaya, oo aan dooneyn inay wax dumiyaan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka wax ku saxaan.
Mar wax laga weydiiyey inay is-arkeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hadleen mooshinka, waxa uu sheegay in baarlamanka uu ka madax banaan yahay hay’adda fulinta, sidaas darteedna uusan u baahneyn inuu mooshinka kala hadlo.
Dhankaa kale Mursal ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo uu sheegay inay yihiin wax uu filayey oo uu ogaa inay dhici doonaan.
Dhageyso wareysiga gudoomiye Mursal
Puntlandes.com