Faahfaahin Xaaladdii u dambsysay ee Baydhabo & xildhibaan ku geeriyooday rabshadaha socda

14 Dec 2018 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ahaana gudoomiyaha guddiga Amniga ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, mana jirto cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo.

Shacab aad uga caraysan xarigii ay shalay dawladda Soomaaliya u gaysatay musharax Mukhtaar Roobow iyo faragelinta doorashadooda ayeyna ka caraysan yihiim ayaa wadooyinka isugu soo baxaya ilaa shalay iyadoo mararka qaarkood u bilaabanayo dagaal toos ah.

Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo.

Puntlandes.com

 

About The Author