AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA MUSHARIXIINTA ISBEDEL DOOKA EE KGS

WAR SAXAAFADEED MUSHARIXIINTA ISBEDEL DOOKA KGS

Musharixiinta madaxweynaha KGS ee isbedeldoonka ah ayaga oo aad uga xun falkii guracnaa ee
lagula kacay mid kamid ah Musharixiinta isbedeldoonka KGS, kaasoo lagudoonsiyay shahaadadiisa
musharxnimada kuna guda jiray howlihiisii ololoha ee caadiga ahaa, una yimid shir lagu wada
balansanaa dhamaan musharixiinta Xilka madaxweynaha KGS, waxa ay soo saareen qodobadaan
hoos ku xusan:

1- In musharax madaxweyne Muqtaar Roobow cali (Abuu mansuur) uu xuriyadiisa dib u helo,
loona ogolaado in uu kaqayb galo tartanka musharxnimada MDKGS.

2- Waxa ay musharixiinta isbedeldoonka KGS tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo asxaabtii
ay kageeriyoodeen muwaadininta reer KGS, waxa ayna Ilaahay Uga baryayan in uu
caafimaad buuxa siiyo inta ku dhawacantayna bogsiiyo shaqaaqadii kadhacday magalada
baydhabo.

3- Musharixiinta waxa ay ka digayaan Cawaqibxumada amniyeed ee kadhalankarta Falalka
noocaan oo kale ah, waxa ayna dowlada federalka Somaliya ugu baaqayaan in ay kafiirsato
falalka keeni kara degenansho la aan siyayasadeed iyo mid amni intaba.

4- Musharaxiinta waxa mar labaad baaq udirayaan dowlada federalka soomaliya ayaga oo ka
codsanayana in ay dhex dhexaad ka aahaato arimaha kusaabsan doorashada KGS, ayna
ixtiraanto rabitaanka shacabka, aysan marnaba is ku dayin caburinta iyo is hor istaaga
rabitaanka dadweynaha KGS.

5- Musharixiinta waxa ay ka codsanayaan wax garadka, aqoonyahanada, nabadoonada,
salaadiinta konfurgalbeed soomaliya in ay u kacaan nabadaynta iyo ka hortaga dhibaatooyin
sababi kara burbur dhaqaale iyo mid nafeed intaba, ayaga oo ku baaqaya in aan la ogolaanin
dhibaataynta shacabka. iyo in nabad loo helo qalqalka siyaasadeed ee soo wajahay KGS

6- Ugu danbayn, musharixiinta waxa ay ugu baaqayaan dadweynaha ku nool Guud ahaan
deegaanada KGS, gaar ahaan magaalada baydhabo in xasiloonida iyo degananshaha
deegaanka la ilaaliyo, Lagana taxadaro cawaqib xumada ka dhalankarta dagaal sokeeye iyo
bur bur ku yimaada deegaanka, waxa kale oo ay musharixiinta ogaysinayaan dhamaan
dadwenaha ku nool magaalada in dhibka iyo dhawacaba uu gaaraayo dadka iyo deegaanka
sidaasi daraded waxaa muhiim ah in la is dajiyo lagana shaqeeyo horumarka iyo
xasiloonidda.

Musharixiinta:
➢ Dr. Ibrahim Macalin Nuur.
➢ Aadan Maxamed Nuur ( Saransoor).
DHAMAAD

About The Author