Amisom oo beeniyay iney ku lug leeyihiin soo qabashadii Muqtaar Roobow

15 Dec 2018 (Puntlandes)  War kasoo baxay Howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Africa AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM aysan kaalin ku lahayn Xarigga Muqtaar Roboow Cali Abuu Mansuur iyo u soo wareejintiisii Muqdisho.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaana sidaas sheegay, sida lagu daabacay Barta Internetka ee Howlgalka.

“AMISOM waxay sii wadeeysaa Aqoonsiga iyo xushmadda ay u heeyso Madaxbanaanida Dadkaiyo Dowladda Soomaaliyeed waxayna ku celieeysaa in ay dhex-dhexaad yihiin Howlaheeda fulinta ee Wadanka ay ku joogto” ayaa lagu sheegay Warka ka soo baxayAMISOM.

Warka AMISOM ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Beesha caalamka u qoreen Warqad ay kusheegeen in AMISOM ay ku xadgudubtay Howlihii ay u xil saarnayd.

Xarriga Mukhtaaar Rooboow ayaa waxaa sida la xaqiijiyay lug ku lahaa Ciidanka Ethiopia ee jooga Magaaladda Baydhabo oo fulinaya rabitaanka dawladda Federaalka, hase ahaatee ma cadda in ay howlgalka ka tirsayihiin iyo in kale.

Akhriso qoraalka oo ku qoran luuqadda Ingiriiska

Puntlandes.com

About The Author