Banaanbaxii Baydhabo oo maalintii 3aad socda
15 Dec 2018 (Puntlandes) Xaalada magaalad Baydhabo ayaa maalintii 3aad aad u kacsan, iyadoo weli banaan baxyo xoog badan oo rabshado wata ay ka socdaan.
Banaanbaxyada ayaa waxaa looga soo horjeedaa xariggii Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiintii u taagneyd xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Wararka saaka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska la dhigay waddooyinka, si ay xaalada u dejiyaan, hase ahaatee waxaa muuqata in weli xaalada deganeyn ayna xakamayn la’yihiin dadka caraysan.
Dadweynaha dibad baxaya ayaa gubaya taayaro, iyadoo dhagxaan ku xiraya jidadka, taasoo keentay in maalintii 3aad ay magaalada gasho xaalad degenaansho la’aan ah.
Dadweynaha dibad baxaya ayaa muujinaya sida ay uga soo horjeedaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyagoona muujinaya sida ay u taageersan yihiin.
Ganacsiga ayaa ah mid weli xiran, halka gaadiidka aanu shaqeyneyn, waddooyinka ayaa ah kuwo gebi ahaanba dhagxaan iyo taayaro holcaya ka buuxaan.
Ciidamadii Itoobiya ee shalay gudaha u soo galay magaalada ayaa dib ugu laabtay xeryahooda isla shalay.
Isgaarsiinta Baydhabo ayaa saaka mar kale hawada laga saaray, waxaana weli go’in qadka Internet-ka oo shaqeynaya, waxaana baraha bulshada la soo dhigayay sawirro banaan baxyada ah.
Puntlandes.com