Akhriso Xildhibaanadii Mooshinka madaxweynaha keenay oo soo bandhigay qodobadii ay mooshinka ula noqdeen

21 Dec 2018 (Puntlandes) Hoos ka akhriso Xildhibaanadii Mooshinka madaxweynaha keenay oo shalay la noqday oo maanta soo bandhigay qodobadii ay mooshinka ula noqdeen:

Golaha Shacabka
Kutlada Badbaado Qaran (NSC)

WAR MURTIYEED

21Ka Diisembar 2018. Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhowris la’aanta sharciga ee hogaanka talada haya, waxay cadaynayaan in ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka dib dedaal Guddoomiyaha Golaha Shacabku ku bixiyay in soo-jeedinta xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lagu xaliyo wada xaajood.

Xildhibaanada keenay soo-jeedintu, iyagoo tix gelinaya odeyaynta, is-xilqaanka iyo dareenka
mas’uuliyadeed ee Guddoomiyaha isla markaana mudnaan gaar ah siinaya xasiloonida
siyaasadeed ee dalka, waxay wadaxaajood uu Guddoomiyuhu gar wadeen ka yahay ka galeen soojeedinta xil ka qaadista Madaxweynaha. Lafo-gur dheer ka dib, waxaa la isku fahmay in
xildhibaanadu soo jeedinta la noqdaan, Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan
qodobada hoos ku xusan:

1. In madaxbanaanida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la ixtiraamo lana joojiyo wax kasta
oo faro gelin ah oo ka hor istaagi kara in ay si hufan ula xisaabtamaan laanta fulinta ee
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;

2. In xukuumaddu dhowrto xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ay u leeyihiin in ay
rayigooda u cabiraan si nabad ah gaar ahaan in ay ka waantowdo caburinta saxaafada iyo
siyaasiyiinta ka ra’yiga duwan;

3. In la dhiso garsoor madaxbanaan, gaar ahaan Maxkamadda Dastuuriga, oo hanan kara
kalsoonida ummada Soomaaliyeed awoodna u leh xalinta is-maandhaafyada ama muranada
sharci ee ka dhalan kara saaxada siyaasada dalka isla markaana laga fogaado in maqnaanshaha
Maxkamada Dastuuriga loo isticmaalo dabar lagu hor istaagayo sareynta sharciga;

4. In shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada amniga loo madax baneeyo hawlaha ay u hayaan
qaranka lagana dheeraado in loo isticmaalo danno siyaasadeed oo ay leeyihiin cida tallada
dalka haysa;

5. In heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Madaxweynaha iyo xukuumadiisu soo galaan la hor
keeno Baarlamaanka si loo mariyo habraaca sharciga ah ee lagu ansixiyo ama looga doodo
heshiisyada;

6. In go’aankii Baarlamanku ka gaaray Qalbi Dhagax la fuliyo Madaxweynahuna raali gelin
rasmi ah ka bixiyo u gacan gelinta shisheeye ee muwaadin Soomaaliyeed oo difaaca dalkiisa
halgan dheer oo sharaf iyo karaamayn mudan usoo galay. Isla markaa waa in xukumadduna ka
laabto raali geilna ka bixiso asteyntii sharci darrada ahayd ee ONLF lagu tilmaamay
argagixiso;

7. In doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
aan marnaba dib loo dhigin ee lagu qabto waqtigooda oo ku aadan bisha Diisembar ee sanadka
2020ka;

8. In laga waantoobo faro gelinta maamul goboleedyada lana ixtiraamo xaqa ay u leeyihiin ka
talinta arimahooda guddaha oo ay ugu muhiimsanyihiin doorashooyinka: waana in laga hawl
galo daweynta boogaha khilaafka Koonfur Galbeed si looga hor tago in aanay ka faa’iidaysan
kooxaha argagixisadu.

9. In mudnaan gaar ah la siiyo midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, wada haddaladii
Somalilandna dib loo billaabo, isla markaana laga dheeraado cadaadiska iyo cago-jugleynta
diblomaasiyadeed ee keeni kara in la kala fogaado;

Haddaba anaga oo rajeynayna in qodobada kor ku xusan sida ugu dhakhsaha badan loo hir gelin
doono, waxaanu shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa in haddii ay fuli waayaan aanu qaadi
doono talaabada ku haboon sharcina ah ee nala gudboon.

DHAMAAD

Kudlada Badbaado Qaran waa dallad ay ku mideysanyihiin xildhibaano ka tirsan
xisbiyada Nabada, Ileys, Himilo Qaran, UPD, iyo xildhibaano kale oo madaxbanaan
Your Sincerely
Dr Abdifatah Ismael Tahir
Spokes Person (NSC)
T: +252 615 800087
E: abdifatah.tahir@gmail.com


Puntlandes.com

About The Author