Sawirro: Faahfaafin Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
22 Dec 2018 (Puntlandes) Labo qarax oo is xig xiga ayaa ka djhacay magaalada Muqdisho, qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray goobo ku dhow dhismaha gurigga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka ma aysan shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelada ugu badan soo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow albaabka koowaad ee dhanka Tiyaatarka xiga ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Qaraxa labaad ayaa la maqlay ugu yaraan 20 daqiiqo kadib markii la maqlay qaraxa koowaad, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Gaariga dambi ayaa ahaa SURF laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhacday qaraxa labaad kadib.
Gaariga Koowaad ayaa waxaa lasoo sheegay inuu ahaa mid lagu buufiyay astaanta ciidamada Booliska, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa sidoo kale soo baxaya in masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen qaraxyada maanta dhacay.
Dhanka kale waxaa qaraxyadan ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax.