Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ah dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho
22 Dec 2018 (Puntlandes) AUN Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Maamulka Telefishinka Universal ayaa ku geeriyooday qaraxii saaka ka dhacay agagaarka Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Cawil iyo saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Telefishinka Universal ay ku dhinteen qaraxii koowaad ee ka dhacay agagaarka Tiyaatarka, xilli ay ku sii jeedeen xafiiska Telefishinka.
Allaha u naxariistee Cawil Daahir Salaad ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha uga caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaa uu horay uga soo shaqeeyay Idaacadii Horn Afrik iyo idaacado kale.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa burbur xooggan u geystay dhismayaasha ka ag dhow Xarunta Tiyaatarka iyo Matxafka qaranka, waxaana ku dhintay dad aan tiradooda la aqoon ilaa hadda.