Daawo Xildhibaanadii Mooshinka Farmaajo keenay oo ka hadlay xaalada dalka baaqna u diray xukuumada Somalia
23 Dec 2018 (Puntlandes) Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa maanta ka hadlay xaalada dalka uu hadda ku sugan yahay, waxayna baaq u direen xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa ku adkeeyey xukuumadda Soomaaliya qodobada kala ah:
Inay faragelinta ka dayso dawlad Goboleedyada dalka, waxayna si gaar ah uga hadleen farogelin ay hadda ku hayso xukuumaddu doorashada Puntland la filayo inay dhawaan ka dhacdo iyadoo horay loola socda midii ay ku samaysay doorashada KG
- In xukuumadda Soomaaliya u madaxbaanayso shaqada Golaha Shacabka, iyadoo shaqadii goluhu ay ka joogsatay xukuumadda
- Inay xukuumadda Soomaaliya ay wax ka qabato amniga dalka ayna furto jidadka xiran
- Inay xukuumadda Soomaaliya joojiso caburinta iyo cagojuglaynta ay ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed
- Inaysan xukuumadda Soomaaliya keeni karin dalka Ciidanuusan Baarlamaanka Soomaaliya
- Inay xukuumadda Soomaaliya dib u bilowdo wadahadaldii Somaliland
- Inay Xukuumadu Mukhtaar Roobow usoo celiso xoriyadiisii, dadkii ay Baydhabo ku xirxirtayna xoriyadoodii usoo celiso
Xildhibaanada oo ay u hadleen Xildhibaan Saleebaan Maxamuud xaashi iyo Xildhibaan C/
Daawo Xildhibaanadii Mooshinka Farmaajo keenay oo ka hadlay xaalada dalka baaqna u diray xukuumada Somalia
Puntlandes.com