Sawirro: Guddiga cusub ee Maaliyadda golaha Shacabka oo doortay Guddoon cusub

26 Dec 2018 (Puntlandes) Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoon cusub, kaddib markii laga saaray xubnihii Guddoonka guddigaas oo ay xukuumadda Federaalku diidanayd.

Kulan xubnaha Guddiga ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda loogu doortay Maxamuud C/llaahi Siraaji, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Aamino Sheekh Cali, waxaa Xoghayaha Guddiga loo doortay Aadan Cali Xasan.

Xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Guddoonkooda cusub ayaa laga sugayaa inay 30ka bishan horgeeyaan Baarlamaanka Miisaaniyadda Sanadka 2019, waxaana la filayaa isla maalintaas cod loo qaado, lana ansixiyo Miisaaniyadda.

Guddoonkan cusub ayaa sida muuqata taageersan Xukuumadda, maadaama xubnaha laga saaray Guddiga ee Guddoonka ahaa ay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa warbixinta musuq maasuqa ee Xukuumadda lagu eedeeyay inay wax is daba marin ku sameeyeen Miisaaniyadda Sanadka 2018.

Puntlandes.com

About The Author