Daawo Video: Cabdi Barre oo ka digay fara-gelinta dowladda Federaalku ku hayso doorashada Puntland
27 Dec 2018 (Puntlandes) Ex. Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa ka digay fara-gelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada Puntland oo qabsoomaysa 8da jan 2019.
Cabdi Barre ayaa sheegay in xukumadda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda amniga magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda wardhiigle ee ay ku taallo xarunta madaxtooyada Soomaaliya,islamaarkaana wuxu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsantahay burburinta maamulada dalka ka dhisan ee Federaalka ah.
Sidoo kale Cabdi Barre ayaa sheegay in maalmaha soo socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin Xildhibaano, wasiiro iyo siyaasiyiin laga soo xawilay magaalada Muqdisho oo lo soo diray in ay qalalaase ka abuuran doorashada Puntland,sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii, wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka digtoonadan fara-gelinta uu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku khal-khal gelinayso doorashada Puntland ee maalmaha yar ka harsan yihiin.
Puntlandes.com