MAXAA U HIRGALAY MADAXWEYNE GAAS 5TII SANO EE UU XILKA HAYEY 2014-2018? QAYBTA 3AAD
27 Dec 2018 (Puntlandes) Qaybta Qoraalkan ayaa waxaan ku eegaynaa madaxweyne Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Puntland ka hirgeliye y labo garoon oo caali ah mudadii uu xilka haye, mid sadexaadna dhawaan la bilaabayo.
Qoraaladeenii hore waxaana kasoo hadalnay Mashruucii koowaad ee ay Xukuumadda Prof Gaas si isku tashi ah ku fuliso oo ahaa dhismihii buundada Middigar oo ay baxday $1 malyan, halkan ka akhriso, iyo mashruucii labaad oo si isku tashi ah ay ku hirgeliso xukuumada Prof Gaas kaas oo ah dhismaha wadada isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo, halkan ka akhriso.
GAROONKA DIYAARADAHA EE BOSASO
Mashruucan ayaa ka horeeyey xukuumadda Prof Gaas ee Puntland waxa uuna soo bilowday sanadkii 2011, xiligii uu Soomaaliya raysalwasaaraha ka ahaa Prof Gaas, waxaana Garoonka u diyaarsanaa qaybta Terminaalka oo la dhisey xiligii Gen. Cadde Muuse Xirsi (AUN).
Xukuumadda Prof Gaas ayaa mashruucaan ku dadaashay inuu si dhaqso ah ku hirgalo iyadoona dhaqaale lagu dhamaystiro u raadisay, maadaama uu Garoonka u yaalay dhaqaale aan dabooli Karin dhismihiisa.
Mashruuca Garoonka waxaa u yaalay markuu Prof Gaas xilka la wareegay $6,300,000.00, taas oo la ogyahay inaysan dhisi Karin Garoon Caalami ah, waxaana ku baxay lacag dhan $18,800,000.00., iyadoo lacagta u taalay ay ka ahayd lacagta ku baxday 33,51% halka uu Prof Gaas ku daray 66,49% oo u dhiganta $12,500,000.00.
Ma dhismeen Garoonku haddii uusan dadaal badan gelin madaxweynaha Puntland Prof Gaas, waxaana dhismihiisa sii dheer dadaal kale oo uu geliyey sidii loo maalgelin lahaa Garoonka adeegyada uu u baahan yahay sida Shidaal siinta Diyaaradaha, Haamaha Shidaalk), Shaybaarka garoonka iyo qalabyada kala duwan ee uu Garoon isticmaalo adeegiisa.
Dawao Dhameystirka & Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso
GAROONKA DIYAARADAHA EE GAROWE
Caasimadda Puntland ee Garowe waxay xukuumadda uu madaxweynaha yahay Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u dhistay garoon caalami ah, oo isugu jira dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan iyo Terminal cusub.
Mashruucan ayaa sidoo kale ka horeeyey Xukuumadda Prof Gaas wuxuuna soo bilowday xiligii madaxweyne Faroole, waxaana u yaalay mashruucan dhisamaha Garoonka lacag dhan $4,500,000.00, kaliya waxaana ku baxay lacag dhan $12,000,000.00
Dhismaha Garoon caalami ah way cadahay inaysan dhisi karin $4,500,000.00, waxaana ku baxay dhismaha Garoonka lacag dhan $12,000,000.00. Lacagta u taalay Garoonka ayaa waxay ka ahayd lacagta ku baxday 37,5% waxaana uu Prof Gaas ku daray 62,5% oo u dhiganta $7,500,000.00.
Ma dhismeen Garoonkanina haddii uusan dadaal badan gelin Prof Gaas, waxaana dhismihiisa sii dheer dadaal kale oo uu geliyey sidii uu Garoonku u heli lahaa qalabyada kala duwan ee uu Garoon isticmaalo oo dhamaystiran.
Puntland maanta waxay leedahay labo garoon oo caalami ah oo uu ka hirgeliyey Prof Gaas mudadii koobnayd ee xilka hayey, taas oo ayasan lahayn wadamo dhan oo aduunka ka jira, waxaana Gaas Puntland uga qorshaysan in garoonkii sadexaad uu dhismo iyo kuwo kale.
Halkan ka daawo Garoonka caalamiga ah ee uu Prof Gaas ka dhisay Garowe
La soco qaybta 4aad dhawaan
Halkan ka akhriso
Qaybtii 1aad: PUNTLAND HA ISKU TASHATO
Qaybtii 2aad: WADADA CEEL-DAAHIR & CEERIGAABO
Daawo sawirrada shalay ee Garoomada Puntland
Daawo sawirrada maanta ee Garoomada Puntland
Puntlandes.com