Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudugoo xilka la wareegay

29 Dec 2018 (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa maanta xilka kau wareejiyey gudoomiyaha cusub ee gobolka Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir.

Munaasabad ballaaran oo xil wareejin ah ayaa waxay ka dhacday hoolka Madaxtooyadda cusub ee Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomihii hore Gobolka Mudug ayaa sheegay in intii uu xilka hayey uu ka shaqeeyayey ama ahmiyadda saaray:

  1. Ka shaqaynta nabadgelyada Gobolka,
  2. Horumarinta degmooyinka uu ka kooban gobolka Mudug,
  3. Ka shaqaynta caawinta shacabka gobolka ee u baahan caawinta sida abaartii Sima dadkii ay saamaysay.

Abgaaloow ayaa khudbadiisa kusoo gababeeyey inuu soo dhowaynayo gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa shacabka gobolka Mudug ka codsaday inay la shaqeeyaan isagoo balan qaaday inuu ka shaqaynayo Amniga iyo horumarinta gobolka.

 

Puntlandes.com

About The Author