Puntland oo mamnuucday shaqaalaha dawladda Federaalka & in lacago kaash ah lasoo galiyo

29 Dec 2018 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa mamnuucday inta doorshadu socota shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya inay Puntland soo galaan sida Wasiirada, Agaasimayaasha ,Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeenada Madaxtooyada.

Waxaa kale oo ay Dawladda Puntland mamnuucday inaan lacago kaash ah la soo galin karin dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland.

Go’aanada ka soo baxay Puntland

1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.

2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 –  Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – In diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.

5 – Si loo sugo amaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6- Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7- Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn.

Puntlandes.com

About The Author