Said Dani oo ku guulaystay inuu noqdo qofka loo adeegsanayo in lagu burburin doono Puntland, maxay yihiin sharuuduhu?
06 Jan 2019 (Puntlandes) Kooxda ka talisa Villa Somalia ee Nabad iyo Nolol oo indhawaalaba doon doonaysay Lafta Gareen-ka Puntland ayaa horay gacansaar ula samaysay musharixiinta kala ah Maxamuud Khaliif Jabiye, Cali Ciise Cabdi iyo rag kale oo shuruudihii lagu xiray buuxin waayey.
Baadi goob iyo day day dheer kadib Saciid Dani ayey go’aansadeen inuu kasoo bixi karo shaqada ah burburinta Puntland iyo federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa, oo ah habeen ay soo galayso Isniin, u diray musharax Saciid Dani lacag dhan $1.3 malyan oo uu ku gato cododka Xildhibaanada sida ay ka soo xigatay Warbaahinta Puntlandes ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow kooxda Villa Somaila ee ku caan baxday burburinta iyo iska horkeenka ummadda Soomaaliyeed.
Musharax Siciid Dani ayaa Farmaajo kula galay heshiis ka kooban sharuudan hoose:
- Inuu kala diro ciidan Tukaraq difaaca uga jira ee Puntland, si sharci ahna ugu wareejiyo Somaliland gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
- Inuu Joojiyo dhismaha dekedda Garacad, kuna daro gobolka Mudug qaynta Puntland maamulka Galmudug sidii uu saxiixay Markii uu ahaa wasiir ka Qorshaynta.
- Inuu Puntland hoos geeyo Nabad iyo Nolol uuna u qaabil sanaan doono Fahad Yaasiin.
- Inuu taageero una aqoonsado madaxweynaha Galmudug garabta Cadaado ee Baasto hogaamiyo.
- Inuu qayb ka noqdo in shacabka Soomaaliyeed loo tuso inuusan federaalku u fiicnayn , ugu dambayna laga takhaluso federaalka uuna kala shaqeeyo sidii loo baa’in lahaa Federaalkii soomaalidu ku heshiisay.
- Inuu taageero in xoog lagu maquuniyo madaxweynaha sharciga ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)
Musharax Saciid Dani ayaa dhamaan sharuudahan qalinka ku duugay kuna aqbalay si duuduub ah, una caddeeyey Villa Somalia inuu daacad u noqonayo una hogaansamayo awaamiirtooda waxay doonto oo ay noqoto, kuna wax ka bedeli doono Dastuurka Puntland oo awoodeeda la wiiqi doono.
Dani ayaa lagu yaqaan shaqsi dantiisa ka hormariya danta guud oo si fiican uga kalluumaysta meelaha uu isleeyahay dantiisaa ku jirta.
Dani wuxuu ka mid ahaa koocdii Dam Jadiid, haddana waxa ku daaban kooxda khatarta badan ee Aaran Jaan oo kula heshiisay inuu dantooda gaarka ah u fuliyo side maamulkii C/raxmaan Faroole, halkaasna waxaa ka mnuuqan karta inuusan dani ahayn nin mabda’a fadhiya oo lagu yaqaan leh.
Digniin: Waxaanu ku wargelinaynaa Xildhibaanada wadaniyiinta ah, aqoonyahanka reer Puntland, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo gabdhaha iyo inta xasuusata dhibtii loo soo maray dhismaha Puntland in Siciid dani aan lagu aamini karin hogaanka Puntland hubaalna ay tahay inay Puntland mudanayso sida Farmaajo iyo Khayre la damacsan yihiin.
Puntlandes.com