Prof Gaas ”Puntland waxay u baahan tahay hogaamiye xog ogaal ah, aragti fog leh, khibrad u leh siyaasada guud..”

07 Jan 2019 (Puntlandes) Musharax Prof Gaas oo Guddoonka Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo xildhibaanada sharafta leh ee Puntland u jeediyey khudbad uu uga hadlay waxqabadkii mudadii uu xilka hayey ee 2014 – 2018, iyo waxa uu qabam doono haddii ay codkooda siiyaan hiigsiga, horumarka iyo himilada uu Puntland gaarsiinayo 2019.

Prof Gaas waxa uu awooda saari doonaa:

Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Kaabayaasha dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Dhismaha haykalka dowladnimo, Ilaalinta xuriyatul-qawlka, cidhibtirka Musuqa, dawlad iyo horumar loo siman yahay iyo dhammaystirka shaqooyinka iyo mashaariicda muhiimka ah ee qabyada ah.

 

Daawo Prof Gaas ”Puntland waxay u baahan tahay hogaamiye xog ogaal ah, aragti fog leh, khibrad u leh siyaasada guud..”

Puntlandes.com

About The Author