Sawirro: Dowladda Qadar oo Gaadiid Ciidan ugu deeqday Soomaaliya
17 Jan 2019 (Puntlandes) Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Munaasabad lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar.
General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen Gawaaridaan Gaashaman.
S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman.
Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay.