Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin & Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Somalia

19 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo isdaba jooga kula yeeshay magaalada Nairobi madax iyo diblomaasiyiin kala duwan iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ee ka hawl gala Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka mida Diblomaasiyiinta iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee uu la kulmay safiirada Germany, Switzerland, Britain, Madaxa IGAD iyo wakiilkooda Somalia, European Union, Madaxa ICRC, UNOPS, UNSOM, SSF, IOM, ZAMZAM FOUNDATION iyo kuwo kale.

Madaxaweynuhu wuxuu kala hadlay dhammantood iney xoojiyaan wadasgaqeynta ay la leeyihiin Soomaliya sidoo kale ay iney dadejiyaan bilaabidda mashaariicda horumarineed ee loogu tala galay Galmudug taasoo waqtiyadii lasoo dhaafay hakad galay, dhamaantoodna aad ayey usoo dhaweeyeen una ballan qaadeen iney bilaabayaan mashaariicda si degdeg ah.

Wuxuu madaxweynuhu sidoo kale kulamo joogtaa la lahaa siyaasiinta iyo jaaliyadda reer Galmudug isaguu ku dardar galiyey iney masuuliyad iska saaraan kana qeybqaataan harumarinta deegaanka Galmudug dhan siyaasadeed iyo mid horumarineedba, taasoo si weyn la isugu afgartay.


Puntlandes.com

About The Author