Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaatay mid kamid ah beelaha daga deegaanada Jubbaland.

19 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaatay mid kamid ah beelaha daga deegaanada Jubbaland.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe Bile haajir Sugaal Masuuliyiinta Howlgalinta Xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe Odayaasha dhaqanka Haween dhalinyaro iyo Masuuliyiin kala duwan.

Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka Bulshada loona dhamayn lahaa wixii tabashooyin ah ee jira isla markaana loo garab istaagi lahaa xoraynta Deeganada maqan ee Jubbaland oo ay dadaal xoogan ugu jirto Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dhamaan Odayaasha dhaqanka iyo Dadweynaha kale ee kulankan kasoo qayb galay ayaa balan qaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadaalka ay Dowladu ugu jirto xoraynta Deeganada maqan isla markana ay naf iyo maalba u hurayaan xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe.

 

 


Puntlandes.com

About The Author