Daawo Video-Sawirro: Ciidamada amaanka oo Bosaso kusoo bandhigay waxyaabo qarxa oo ay qabteen

19 Jan 2019 (Puntlandes) Maamulka gobolka Bari iyo Laamaha amaanka ee magaalada Bosaso ayaa soo bandhigay aalado ka sameysan waxyaabo qarxa, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo warbaahinta shir jiraa’id ugu qabtay xafiiskiisa ayaa faahfaahiyay walxahan qarxa ee ay ciidamada amaanku kusoo qabteen howlgalka.

Waxa uu sheegay in shacabka ay kusoo wargeliyeen laamaha amaanka isla markaana ay u sheegeen in ay jiraan waxyaabo qarxa oo la dhigay meel halbowle u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha gaar ahaan nawaaxiga wadada aada suuqa caanaha kadibna ciidamada ay ku guuleysteen in ay si nabad galyo ah kusoo qabtaan aaladahan Qarxa.

Yuusuf Maxamed Wacays Dhado gudoomiyaha gobolka Bari ayaa shirkiisa jiraa’id ku sheegay in la abaal marin doono ciidamadii ku guuleystay in ay soo qabtaan qaraxyadan lagu waxyeeleyn lahaa shacabka, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa sidoo kale in la dalacsiin doono askartii sida gaarka ah ugu guuleysatay soo qabashada aaladahan qaraxyadan ka sameysan.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacab weynaha ku nool magaalada Bosaso in laamaha kala duwan ee amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amaanka magaalada Bosaso si looga hortago dhagarta kooxaha liddiga ku ah amniga guud ee gobolka gaar ahaan kan magaalada Bosaso.

 


Puntlandes.com

About The Author