Daawo Video: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay waxyaabihii kasoo baxay shirarkii Madaxda Somalida uga socday Garowe

28 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shirjaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda dhexe ay ku heshiiyeen wadahadal lagu dhameeyo wixii lakala tabanayo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay martigalinayso Shir looga wada hadlayo laguna xalinayo wixii tabasho ah, uuna ka dhici doono Garowe Bisha March ee Sannadkaan ayna soo qayb galayaan Dowalad Goboleedyada dalka.


Puntlandes.com

About The Author