Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Shir Jaraad’iid kagaga Hadlay Maxsuulka Shirarka Madaxda Soomaaliya ee Garowe
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 28 Janaayo 2019 shir Jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kaga warbixiyey maxsuulka shirarkii ay yeesheen Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowladdaha xubnaha ka ah dowladda fadaraalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiikh Axmed, Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Madaxweyneyaashii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Puntland, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.
Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in kulamadaasi looga wadahadlay arrimo ay kamid yihiin marxaladda adag ee dalka, midnimada ummada Soomaaliyeed, dib u dhiska dowlad Soomaaliyeed, iyo iskaashiga dowladda DFS iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS.
“Caleema Saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland waxa uu abuuray fursad aad qaali u ah oo ka abuuran tahay inay kulmaan madaxda Soomaaliyeed meel kastay joogeen, shirarkaas oo maalintii shalay ahayd qabsoomay waxaa aad looga wada hadlay marxaladda adag ee dalku ku jiro, sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo midnimada dalka, looga wada shaqeeyo dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed oo taama, Shirkaasi wuxuu albaabada u furay in si qoto dheer loo wada hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
“Kulanka Madaxweynaha DFS iyo Madaxda dowladdaha Xubnaha ka ah DFS waxaa loogu gogolxaadhayey in laysku cafiyo, khilaafka shakhsiga ah lagu saaro, danta guud ee dalka laga wadashaqeeyo, hawlaha iyo ajandayaasha dhabta u ah dowlad dhisidda si qoto dheer looga-wada hadlo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland
Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in Puntland marti gelindoonto gogol nabadeed oo bisha sadexaad ee sanadkan 2019 qabsoomidoona lagu qabto Puntland gaar ahaan Garoowe.
“Runtii arrintaas waxa ay horseeday in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya uu soo jeediyo in shir laysuguyimaado bartamaha bisha sadexaad ee 2019, dowladda Puntland ayuu ka codsaday inay gogoshaas martigeliso, anoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Puntland waxaan aqbalay inaan gobol nabadeed oo loogu gogolxaadhayo in Soomaaliya midnimadeeda iyo wada-jirkeeda dib loosoo celiyo lagu qabto Magaalada Garoowe, waxaanna ku faraxsanahay in Puntland siday horeba u ahay ay ka shaqayso midnimada Soomaaliya iyo dowladdnimada Soomaaliya’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.