Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga gobolka Sanaag oo ciidan & tekniko ula soo galay Puntlan
05 Feb 2019 (Puntlandes) Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga gobolka Sanaag, G/sare Caydiid Axmed Nuur iyo ciidan tekniko wata oo uu hoggaaminayo, kana soo goostay Somaliland, ayaa xalay Saqdii dhexe gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Gaashaanle sare caydiid ayaa horay mar soo noqday Taliyihii ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari, hase yeeshee wuxuu ka goostay sannadkii 2006-dii, kadib markii ay madaxweynihii hore ee Puntland AUN Gen Cadde Muuse Xirsi isku’ khilaafeen habka loo wajahayo malayshiya-beeleed isku’ uruursaday buuraleyda Majayahan ee gobolka Sanaag.
Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa marar badan u kala goosta maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku muransan gacan ku haynta goboladaas.
Puntlandes.com