Daawo Video: Dawladda Deni oo soo bandhigtay qorshe carqalad ku ah inay Degmada Galkacyo hesho gole deegaan!!

03 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka ee Dowlada Puntland Maxamed Dhabancad ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay qorshaha kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan ku doonayaan inay carqabad ku hor gudbaan si aysan Gaalkacyo u yeelan gole deegaan.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday Shuruudo adag oo ay usoo diyaarisay kooxda xagjirka ah ee aaran Jaan.

Xiligii Faroolee Puntland madaxda ka ahaa oo ay saamayn ku lahayd maamulkiisa ayey ku guulaysatay in aan magaalada Gaalakcyo loo samayn gole deegaan si ay uga reebtaan JPLG oo aysan magaaladu u horumarin.

Aaran Jaan ayaa ku guulaysatay xiligii Faroole inay Gaalksacyo ka dhigaan magaalo colaadeed iyo horumarna uusan ka jirin.

Hoos ka akhriso sharuudaha kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan ay ku xireen xubnaha ka mid noqonaya golaha deegaanka iyo inay iyagu ugu dambayn xulayaan:

1- Qofka soo galaya golaha deegaanka waa inuu yahay qof ka maarmi kara hantida dawladda: Saxiixayaashu waa inay og yihiin qofka ay usoo saxiixayaan inuu leeyahay hanti uu uga maarmi karo hantida dawladda, sida inuu yahay Ganacsade hanti leh, Dhakhtar shaqeeya ama Aqoonyahan Hay’ad u shaeeya ama Injineer guryaha dhisa (waa carqabad wayn)

2- Qof dagmada degen: lamana aqbalayo in qof meel kale ka yimid inuu degmada yimaado inuu yiraahdo beeshayda xubunteeda ha ka isiiyo (ma ahan Carqabad)

3-saxiixayaashu waa inay hubiyaan in qofku  uu wato warqada dambibaaristu ku caddaynayso inuusan dalka dembi ka gelin: SID waxay dawladdu ka doonaysaaa inay warqad dhab ah bixiso (waa carqabad, maxaa yeelay waa sidii lagu yaqiin aaran Jaan oo waxay ku celinayan qofkay doonaan halkan)

4-Kursi kasta waa in saxiixayaashu u soo saxiixaan 3 qof: si dawladu iyo gudiga xulayaan u helaan fursad sadexdaas qof kii ay doonaan kala baxaan (waa carqabad aad wayn maxaa yeelay ma ahan beelaha waxa soo xulayana qofka ka mid noqonaya golaha deegaanka ee Aaran Jaan)

Waxay Aaran Jaan ku caddeeyeen qodobka 4aad inay iyagu yihiin cidda soo xulaysa golaha deegaanka Gaalkacyo, iyagoo kan u codaynaya ka qaadanaya 3da qof, iskana diidaya xubnaha hanka leh oo doonaya inay tartamaan ama aan codka siinayn shaqsiga ay wataan.

Arintan ay Aaran Jaan oo dawladda Deni garwadeen ka ah ay wadato ayaa ah mid qarcalad ku ah inay Gaalkacyo yeelato gole deegaan, waana ujeedada ay kooxdu leedahay.

 

Halkan ka daawo sharuudaha Aaran Jaan

Puntlandes.com

About The Author