Daawo Video: Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga & Khayraadka Badda Soomaaliya oo ka hadlay Xaraashkii Shidaalka Soomaliya & ruqsada Kalluunka ay bixisay DFS

04 Marso 2019 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada ee dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa dibedda soo dhigay halisyo farabadan oo ku duugan Xaraashaka ay dawladda Federaalku ku hayso Shilaalka Soomaaliya.


Waraysiga wasiirka oo dheer oo uu la yeeshay Somali Cable ayuu wuxuu daaha ka rogayaa qorshahaas iyo halista ku hoos duugan Xaraashka ay dawladda Federaalku xaraashtay Shidaalka Soomaaliya kaas oo dhawaan ka dhacay London.

Wasiirku waxa uu farta ku fiiqay in aysan dawladdu heshiiska usoo bandhigin shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Federaalka, uusana wali jirin sharciga qaybsiga khayraadka Soomaaliya kaas oo u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo dawlad Goboleedyada.

Dhanka kale wasiirka ayaa si xoogan u dhaliilay heshiiska ay dawladda Federaalku la gashay shirkado Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo xaalufin ba’an ka wada xeenbaha Soomaaliya.

Daawo waraysi wasiirka

Puntlandes.com

About The Author