Madaxweyne Deni oo Garowe ku casuumay Sanboloolshe oo Dam Jadiid ka socday

03 Marso 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe ku casuumay Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo kooxda Dam Jadiid ka socday.

Sanbaloolshe oo aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh kana tirsan kooxda Dam Jadiid ayaa madaxtooyada Puntland waxay dejisay Eyl Palace Hotel, sida ay ogaatay warbaahinta Puntland.

Sanbaloolshe ayaa Garowe u yimid isku xir isbahaysi mucaarad oo kan ah dawladda Federaalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay kooxda Dam Jadiid.

Shirkii lagu balamay inuu Garowe ka qabsoomo 20ka bishan maarso ayaa u muuqda mid baaqday kadib markii uu Madaxweyni Deni bilaabay abaabulka iyo isku xirka mucaaradka madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kahyre.

Puntlandes.com

About The Author