Dowlada Puntland oo xiraysa suuq lagu ganacsanayay in ka badan 30 sano-DAAWO

Wasaarada Gaadiidka badda,Dekedaha iyo ka hortagga dambiyada Badaha iyo Wasaarada Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland ayaa shalay soo saaray awaamiir lagu farayo ganacsatada Kalluunka ee Boosaaso in ay mudo saddex maalmood gudohood uga guuraan Suuqa iyo Marsada Kaluunka ee ku dhex yaala gudaha dekedaha magaalada Boosaaso .

Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekedaha Puntland oo iyadu ku saxiixnneyd warxafaadeedkan soo baxay ayaa xiritaanka suuqan iyo Marsada Kalluunka u nisbeysay nadaafad darro iyo waliba sababo amni oo jira awgood maadama horey gudaha Dekedda gaar ahaan meel u dhow Suuqan Kalluunka lagu dilay Paul Fermosa oo Maamule ka ahaa dekedda Magaalada Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo ilaalinta iyo sugidda amniga Dekedda Boosaaso ayaa laga bilaabo 5-ta Bisha Sadexaad oo ku beegan maalinta Talaadada ah waxaa la xirayaa Marsadii gaadiidka iyo suuqii ganacsiga Kalluumeysiga ee Dekedda Kudhex yaal,Waxaana laga joojiyay Agagaarka Dekedda gaadiidka kalluumeysiga ee dekeda ka shaqey jiray, ayuu yiri wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Manjiino oo akhrinayay warsaxafaadeedka.

d

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo uu wasiirka wasaaraddaasi Faarax Maxamuud Cawaash goob joog ka ahaa shirka laga soo saaray awaamiirta xiritaank suuqa iyo Marsadda Kalluumeysiga Dekedda Boosaaso ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay goobaha loo cayimay in ay u guuraan kalluumeystada ka hor inta aanan la xirin Marsada iyo Suuqa kalluunka waxaana uu yiri.

Ganacasatada lamana khasbin waa lala shiray waana loo sheegay hada meel ka wanaagsan baa la geynayaa sababtuna waxa ay tahay waa labo arin amni darro iyo nadaafad darro Baddii baa quruntay habka nadaafada oo suuqan dambe in uusan sidaas oo kale noqon suuqan loo wado way arki doonaan waa suuq caalami ah

Marsadda iyo suuqan kalluumeysi ee la xirayo ayaa furnaa in kabadan soddon sano waxaana horey u dhistay dowladii dhexe ee Milatariga iyadoona ay xiritaanka Marsadda iyo suuqan kalluumeysi uu saameynayo boqolaal dad ah kuwaas oo isugu jira Kalluumeysato iyo dad Kalluun ku iibiya suuqa gudihiisa inkastoo dowladu ay sheegayso in loo rarayo goobo kale oo ay kusii wataan ganacsiyadooda.

Marka laga yimaado awaamiirta kasoo baxay dowladda ee ku aadan xiridda suuqa iyo Marsadda Kalluumeysi ee Boosaaso ayaa waxaa jira cabasho ay muujinayaan iskaashatada kaluumaysatada Puntland iyo dadka ku ganacsada suuqa kalluunka ee la xirayo.

Qaarkood oo shalay Horseed Media ay wax ka weydiisay sida ay u arkaan go’aankan looga rarayo suuqii ay ku ganacsanayeen ayaa sheegay in aysan jirin goob kaga haboon goobaha ay hada ku ganacsadaan isla markaana xiligan aanay hantidooda ku aamni karin goobo kale oo ka fog dekedda Boosaaso.

Waxa ay madaxda ugu sareysa dowalada gaar ahaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ka codsanayaan in uu ilgaar ah ku eego qorshahan ay waddo dowlada uu hogaamiyo kaas oo ay sheegeen in uu shaqo la’aan u horseedayo boqolaal qoysas kuwaasoo noloshoodu ay ku tiirsan tahay ka ganacsiga Kalluunka.

Haween Fariin Cabasho ah u diray Madaxweynaha Puntland

Xigasho: Horseed Media

About The Author