05 Marso 2019 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa beenisay inay habo yaraatee wax lug ah ku leedahay dagaal maalintii shalay ka dhacay tuulada Gambara ee gobolka Sool, kaasoo udhexeeyay ciidamo Somaliland iyo maleyshiyo hubaysnayd.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cali Xasan Sabarey oo BBC waraysi siiyey ayaa sheegay ciidamadii Gambara kula dagaalamay ciidanka Somaliland inaysan ahayn kuwo Puntland.

Sabarey ayaa wuxuu sheegay in Puntland ciidamadeeda aysan wax tilaabo ah qaadin ayna ku sugan yihiin ciidanka walba goobihii lagu ogaa.

Dhagayso waraysiga

;

Puntlandes.com